U bood dhigaalka

Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Wanlaweyn

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyay in ka badan 8 qof ayaa ku dhintay kadib markii uu dagaal u dhaxeeyo laba beel oo walaalo ah uu ka qarxay deegaanka  Yaaqbari Weyne oo hoostaga degmada Walanwaayn ee gobalka Sheeballaha Hoose.

Dagaalka ayaa salka ku haayo dhul ku yaalla deegaanka Yaaqbari Weyne, oo labada beel ay isku haystaan lahaan shiyaha dhulkaas.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Walanwayn Axmed Kheyr Cabdow, ayaa la sheegay in uu kamid yahay dadka ku geeriyooday dagaalka.

Ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay dagaalka ku baxaan, si loo qaboojiyo xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka.

Goobjoog News