U bood dhigaalka

Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Isku Dhiibay Maamulka Goofgaduud Ee Baay

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaankaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi Siidow Cali Shiine oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ragga is soo dhiibey ay tiro ahaan yihiin Afar qof, oo nin da ah uu ku jiro.

Waxa uu sheegay in maamulkooda ay xiriir lasoo sameeyeen, islamarkaana ay suuragashay in ciidanka xoogga dalka ay ka doonaan deegaan ay gambaad ku ahaayeen markii ay kasoo tageen Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dhallinyaro la qalday ayeey ahaayeen, Saddex kamid ah waxay kala jiraan 15, 17, iyo 18 sano, ruuxa kalena waa 50 sano jir, hubkoodana waa ay wateen, xiriir badan ayeey nala soo sameeyeen, ciidanka xoogga dalka ayaa soo wadey oo halis ay ku jireen ka badbaadiyey, waxay ahaayeen kuwo aad u rafaadsan, waxay waayeen raashiin ay cunaan, waxay doorbideen in fikirkii lagu qalday kasoo laabtaan sidaasi ayeeyna ciidamada isugu soo dhiibeen” ayuu yiri guddoomiyaha Goofgaduud.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in dhammaan raggan is soo dhiibay lagu wareejiyey wasaaradda hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee maamulka K/galbeed.

Goobjoog News