U bood dhigaalka

Dambiyada Kufsiga iyo Xatooyada oo Sanadkan Kor u Kacay 2% Somaliland

Sheeko:Dalka

Dambiyada iskugu jira dilka , kufsiga iyo xatooyada ee ka dhacay  sannadkan gudaha Somaliland ayaa 2% in ka badan kor u kacay marka loo eego sanadkii hore ee 2015.

Hogaanka hawlgelinta ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Ducaale Cali, ayaa soo bandhigay tirokoobka fal dambiyeedyada kala duwan ee sannadkan 2016 ka dhacay maamulka, kuwaasi oo iskugu jira dil, dhac iyo kufisi,  ayaa  ka sheegay xus loo sameeyey sananadguuradii 23-aad ee loo qabto aasaaska ciidanka booliska Somaliland, Hoggaanka hawlgelintu waxa uu sharaxay tirada ay is dheer yihiin kiisaskii sanadkan ka dhacay dalka iyo kuwii sannadkii hore, waxa uu yiri:-

“Haddii aynu is barbar dhigno sannadkan iyo sannadkii hore; Sannadkii 2015-kii fal dambiyeedyadii dhacay waxay ahaayeen siddeed iyo toban kun boqol iyo siddeed iyo todobaatan, halka ay sanadkan ka tahay siddeed iyo toban kun shan boqol iyo sagaal iyo konton kiis, waxaanay sannadkan korodhay boqolkiiba laba, taasi oo ay sabab u tahay korodhka bulshada iyo kooxaha dhalinyarada ah ee ciidanka Boolisku tallaabo adag ka qaadeen”, Ayuu yiri  gaashaanle  Maxamed Ducaale.

Gaashaanle Sare Maxamed Ducaale ayaa sidoo kale sheegay marka dambiyadan la kala qaado in qaybta dilalka iyo dadka gaystay ay hoos u dhacday marka loo fiiriyo  sannadkii hore; balse isku gaynta  dambiyada oo dhan uu yahay kor u kac  waxaanu si gaar ah u sharaxay qaybta dilalka, “Tirada dilalka sannadkan 2016-ka inta dhimatay waa kow iyo todobaatan, inta  dilkaasi loo qabtay waa shan iyo lixdan, inta dilka gaystay ee  la raadinayaa waa lix, taas oo ay hoos u dhacday, boqolkiiba sagaal”.

Madaxa hawlgalinta booliska Somaliland waxa uu tilmaamay iney wadaan qorshe ah sidii looga hortagi lahaa dambiyada kufsiga oo ay wacyigelin ka sameyn doonaan.

Waxaanu  Maxamed Ducaale uu sheegay in tiro  caruur ah la tuuray; kuwaasi oo qeyb ka ah dambiyada dhacay sannadkan, “Tirada caruurta la tuuray sannadkan waxay ahaayeen shan, inta dhimatay waa hal, inta nooli waa afar, waxaanay ka dhaceen gobollada Maroodijeex iyo Saaxil, Waxaan intaasi ku darayaa tiradda iska hor imaadyada hubeysan ee waddanka ka dhacay sannadkan waxay ahaayeen 100 iska hor imaad, dhimashadu waa 64 qof, tirada ku dhaawacantay waa 75 qof, waxaanay u badnaayeen gobollada Sool iyo Sanaag”.

Maxamed Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in dambiyada dhacay  ay u badan yihiin falalka kufsiga,  burcadnimada iyo  waxyeellada ay geystaan tuugada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada