U bood dhigaalka

Darawalka Mas’uul dowladeed oo u goystay Al-shabaab, Dhacdo Kale

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegaya in mid kamid ah darawalada Wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Axmed Madoobe uu la goystay gaari ay lahayd wasaaradda.

Darawalka wasiir ku-xigeenka wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee jubbaland Mustaf Xaaji, ayaa la sheegay in uu gaari uu u waday wasiirka uu ula baxsaday dhanka iyo deegaannada ay ku sugan yihiin ururka alshabaab.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ahaa nooca Hardtop, kaas oo loogu talagalay dhulka leh carada badan, waxaana Jubbaland ugu deeqday mid kamid ah hay’adaha gargaarka.

Darawalka ayaa la sheegay in uu gaariga geeyay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo kamid ah deegaannada ay alshabaab ku sugan yihiin.

Dhacadadaan ayaa noqoneysa middii labaad muddo gaaban gudaheed, kadib markii darawalkii guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu u goosytay ururka alshabaab.

Goobjoog News