U bood dhigaalka

Dareen Farxadeed oo Dadweynuhu ay Kusoo Dhaweeyeen Doorashada Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa markaliya ay dhalisay dareen farxadeed oo dadka Soomaaliyeed ay guud ahaan ay muujiyeen meel kasta oo ay joogaan, iyadoo habeennimadii xalay aan laga seexan meelo badan oo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya.

Muqdisho

Faadumo Cali oo wiilkeeda gacanta ka heysato ayaa isgoyska Zoobe ee Muqdisho ku weydiiyey sababta ay u soo baxdey, waxay iigu jawaabtay:

“Waxaan u soo baxay taageerada Farmaajo, Guuleyso, waan faraxsannahay, Soomaaliya ha noolaato….”, iyo erayo kale oo aan la fahmi waayey buuqa jirey awgii.

Deeqo Maxamed oo sidoo kale taagneyd meel isla aan joogayay  u dhaw waxaa ay iigu dhaaratey in iyadoo xanuunsan ay caafimaadday markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaa weydiiyey iney isku beel yihiin iyo in kale, waxaa ay mar kale ku dhaaratay in Soomaaliya aanay isaga sokoyeyn balse ay iska jeceshahay.

Jaamac Cali Iyo Faarax oo iyaga aan kula kulmey meel u dhaw KM4 waxaa ay wateen callanka Soomaaliya, iyaggoo ku dhex jira kummanaan dhalinyaro ah ayaan weydiiyey sababta ay u dabaal-degayaan, dhalinyaradan waxaa ay igu yiraahdeen waxaa dhacey wax fiican, libaax ayaa la doortay, heestooda ayey horey u sii wateen.

Dhuusomareeb

Mudaharaadyo waaweyn ayaa ka socday magaalada Dhuusomareeb oo shacabku ay ku taageerayaan doorashada madaxweyne Farmaajo, gudoomiyaha magaalda oo la yiraado C/llaahi Maxamed Barre oo dadweynaha la hadlayay ayaa waxa uu yiri; “Waxaan aad ugu faraxsanahay doorashada madaxweynaha Cusub ee Farmaajo, waxaan dadka ugu baaqeynaa iney la shaqeeyaan oo ay is garab taagaan madaxweynaha”.

Baardheere

Baardheere waxaa saaka ka socday dabaaldagyo waaweyn iyo mudaharaadyo ay dadku ku taageerayaan madaxweynaha Cusub ee Farmaajo, guddoomiyaha Baardheer Caddow Nuur Xasan ayaa meel fagaare ah daka kala hadlay, waxa uu muujiyay farxaddiisa inuu dadka la qeybsanayo doorashada madaxweynaha Cusub ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ceelwaaq 

Degmada Ceelwaaq, waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo ay dadku ugu dabaaldagayaan doorashada madaxweyne Farmaajo oo ay dadku u riyaaqeen, waxay sheegayaan dadku iney tahay markii ugu horreysay ee Baarlamaanka Soomaaliya uu u hoggaansamo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, aadna wey u faraxsanaayeen.

Guddoomiye ku xigeenka dagmada Sahal Macallin Aadan oo dadweynaha kala qeybqaatay mudaharaadka ayaa yiri, “Maanta waxaad fileysaan isbedel dhinac walba ah, ciidamda dowladda ee mudada 8 bilood ah mushaar la’aanta ah wey ka baxayaan, aadbaan ugu faraxsannahay doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya”.

Laascaanood

Shacab badan oo iskugu soo baxay waddooyinka ayaa dareen farxadeed ku soo dhaweeyay madaxweynaha la doortay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, cod dheer ayay ku qeylinayeen “Farmaajo Guul”, iyagoo dareenkooda ka hadlaya ayaa waxay yiraahdeen:

“Dareenkayagu waa kor, lama qiyaasi karo, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa Aabihii dalka, Alle dalka haku anafaco”.

Dhadhaab(Kenya)

Waxaa makarafoonka la dhex marnay dadka xerada qaxootiga ee dhadhaab jooga oo  iskugu soo baxay kumaan dad ah oo waddooyinka dabaaldagayo waaweyn ka dhigayay, kadib guusha lama filaanka ahayd ee madaxweyne Farmaajo,  qaarkood ayaa Goobjoog u sheegay iney dib ugu soo noqonayaan Soomaaliya, waxaana hadalladoodii ka mid ahaa,

“Guul Farmaajo, Soomaaliya ha noolaato”, “Mar haddii farmaajo la doortay dalkeenna hooyo ayaan tageynaa, dalka iyo dadka iyo diintaba wuu anfacayaa”.

Makarafoonka ayaan la dhex marnay magaalooyin iyo gobollada kala duwan ee dalka, Kismaayo, Jowhar, Afgooye,  Baladweyn, Garoowe, Baydhabo, Cadaado, Sool, dhamaantood dadku waxay muujinayaan dareen isku mid ah oo farxadeed iyadoo magaalooyinka qaar aan habeennimadii xalay laga seexan kuwo kalena isla maata la isku maanta ay ka socdaan dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya loo doortay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada