U bood dhigaalka

Dawo Cusub oo Gabowga Lagu Joojinayo

Sheeko:Caafimaadka

Culumo u dhashay dalka Holland ayaa sheegay iney heleen dawo cusub oo lagula dagaalamayo duqnimada, dawadan cusub ayaa joojineysa caalamadaha duqnimada si dabiici ah, waxaana looga maarmayaa qalliinada isqurxinta ah ee lagu sameeyo dadka ay da’doodu weynaatay.

Jariidada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa Jimcihii sheegtay in soo saarista dawadan ay qaadatay muddo 4sanood ah, waxaana lagu tijaabiyay jiirka tijaabooyinka oo muddo 10 bilood ah lagu eegay xaaladdiisu sida ay isku bedelayso.

Culumada tijaabooyinka sameynaysay ayaa sheegay in dawada ay saameyn Dramteka ah ku yeelatay tinta daadaneysay iyo shaqooyinka kalyaha oo ku wanaagsanaaday iyo jirka tamar dareeya marka qofka da’diisu kororto.

Culumada ayaa dawadan cusub ugu magac daray “Peptide”, taas oo ka dhigan acid amino ah oo lagu beegsanayo unugyada gaboowga keena, jiirkii lagu tijaabiyay dawadan cusub ayaa laga dareemay inuu yeeshay tamar cusub markii uu dawada la siiyay, waxa uu noqday sidii biqil cusub oo hadda soo baxay oo kale.

Daawadan ayaa ka qeybqaadatay iney kalyuhu  si fiican u shaqeeyaan, kadib 10 maalmood oo qura qaadashadeeda.

Duqnimada ayaa waxaa la socda cudurro farabadan oo la xiriira da’da oo sii kordheysa.

Dawadan cusub ayaa bani’aadamka lagu tijaabinayaa xilliyada aadka u dhaw ee soo aaddan, waana sida culumada dawadan soo saartay ay sheegeen.

Peter de Keizer, oo ka qeybgalay tijaabadan ayaa yiri; “Dawadani waxay dilaysaa oo qura uguyada keena waayeelnimada, waxyeellooyin kale oo ay leedahay ma’aanan arag”.