U bood dhigaalka

Deg-Deg:- Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya goordhaw uu magaalada ka dhacay Qarax xooggan.

Qaraxa ayaa lala eegtay goob maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen dad fara badan oo shacab ah, waxaana waxyeeelo ay ka soo gaartay dad shacab ah.

Wararka horu dhaca ah ee goobta uu qaraxa ka dhacay ka soo baxaaya ayaa sheegaya dhimashada in ka badan 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Waxaa socda illa iyo hadda gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa ka dhacay bartamaha magaalada Baladweyne.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u sii xumaanaye xaaladda amni ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Goobjoog News