U bood dhigaalka

Degmada Balanbale oo loo doortay Maamul Cusub

Sheeko:Dalka

Golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobalka Galgaduud ayaa doortay guddoomiyaha iyo kuxigeenka guddomiyaha  cusub ee degmada kadib doorasho ka dhacday xarunta degmada.

Cabdiazis Xaashi Cali ( Iraad) ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha degmada Balanbale kadib doorasho ay qabteen golaha deegaanka, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Halka Jaamac Muxumad Diini, loo doortay guddoomiye ku-xigeenka degmada Balanbale ee gobalka galgaduud.

Maamulka galmudug ayaa dhankiisa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee degmada Balanbale, ee gobalka Galgaduud.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa u Hambalyeeyay gudoomiyaha degmada Balanbal iyo ku xigeenkiisa, Cabdicasiis Xaashi Cali iyo Jaamac Muxumad Diini oo labaduba ku soo baxay doorashii ka dhacday degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Galmudug.

Mawduucyada:Gobollada