U bood dhigaalka

Degmada Caabudwaaq Oo Maamul Cusub Loo Sameynayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ku howlan sidii maamul cusub loogu sameyn lahaa degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobalka Galgaduud, halkaasi oo bilihii ugu dambeeyay maamul la’aan ahayd.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Cabdi Xaashi oo la hadlay Goobjoog News, isaga oo ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xooggan oo ku aadan sidii degdeg maamul loogu sameyn lahaa degmadaasi.

Waxa uu sheegay in la tashiyo badan ay la sameeyeen waxgaradka degmada Caabudwaaq iyo sidoo kale qeybaha kale ee bulshada, ayna kala tashadeen sidii maamul ay raali ka yihiin loogu sameyn lahaa.

“Waxaan degmada Caabudwaaq u tagnay Laba Arrin oo kala ah sidii amniga loo sugi lahaa iyo sidoo kale sidii maamul loogu sameyn lahaa degmada, Odayaasha deegaanka ayaan is aragnay, mar dhaw waxaan rajeyneynaa in howlaha halkaasi aan u tagnay soo gabagabeyno” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

Magaalada Caabudwaaq ayaa bilihii ugu dambeeyay ka jirin maamul halkaasi ka shaqeynayay ka dib dagaal markii degmadaasi looga saaray ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada