Dekadda Hobyo Oo Qaab Macmal Ah Ku Shaqo Billaabaysa

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay qorsheynayaan in lagu howlgeliyo dekadda degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay Guuleed in tallaabada hore ay dekadaasi ku shaqeyn doonto qaab macmal ah oo ay keeni doonaan qalab ay kusoo xiran karaan maraakiibta yar yar iyo doomaha, tallaabada xigta ayuu sheegay in guud ahaan dekadda laga dhigi doono mid rasmi ah.

“Shaqada dekadda Hobyo waxay noqon doontaa Laba weji, mid horeeya waa midda hadda ay tahay oo dabiici ah oo la keenayo qalab u sahlaya ganacsatada shixnadaha inay qalabkooda kula soo degaan, wejiga Labaadna waa in dekad rasmi ah laga dhiso Hobyo, sida ay u kala horeeyaan ayeeyna noogu kala dhamaan doonaan” ayuu yiri Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyay in Dekadda Hobyo ay noqoto mid daboosha baahiyaha ay qabaan shacabka gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ugu dambeyn ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu ugu baaqay ganacsatada Galmudug in kaalintooda ay ka qaataan habeynta iyo casriyeenta dekadda degmada Hobyo.

Goobjoog News

 

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW