U bood dhigaalka

DFS Iyo Somaliland Oo Loogu Baaqay Iney Wadahadlaan

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay maalmaha xorriyada Soomaaliya iyo sidoo kale muhiimadda iney wadahadlaan dowladda federaalka iyo Somaliland.

Buubaa ayaa sheegay in Labada dhinac laga doonayo xurmadda todobaadka xorriyadda awgii in wadahadalladooda dib u furaan.

Waxaa kaloo uu ugu baaqay Labada dhinac ka dhabeynta wadahadallada mar walba la sheego inay u socdaan Dowladda federaalka iyo Somaliland, kuwaas oo weli natiijooyin wax ku ool ah aan laga gaarin.

“Maalmaha xorriyadda waa maalmo qiimo badan, Somaliland iyo Soomaaliya waxbay kala tabanayaan, waxaa muhiim ah in lago soo wada laabto miiska wadahadalka, la xalliyo wax walbo oo jira, haddii la wadhadlo kolley is faham wuxuu doono ha ahaadee baa kasoo bixi kara” ayuu yiri Buubaa.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaar u yahay wadahadallada Somaliland si loo dhameeyo waxa jira.

Goobjoog News