U bood dhigaalka

Dhacdo: Hooyo iyo Carruur ay dhashay oo ku dhintay Hoobiye!

Sheeko:Dalka

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro hoobiyayaal ah oo xalay lagu garaacay xaafado ay daggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Xamar Jajab.

Inta la xaqiijiyay hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday hoobiyayaasha oo ku dhacay agagaarka iskuul boliiisiya ee degmada Xamar Jajab, waxaana dhaawac uu soo gaaray inkabadan 10 qof.

Hooyada iyo carruurteeda ayaa hoobiyaha uu ku soo dhacay guri ay deggenaayeen halkaas oo ay ku geeriyoodeen qoyskaas, waxaana qoyska ka badbaaday aabaha oo isaga dhaawac uu ka soo gaaray hoobiyaha.

Dadka deriska ah ayaa sidoo kale la sheegay in waxyeello ay ka soo gaartay hoobiyayaasha oo gaarayay illa shan hoobiye oo xalay ku soo dhacay degmada Xamar Jajab.

Goobjoog News