U bood dhigaalka

Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa Somaliland Ee Bishii January 2016

Sheeko:Dalka

Goobjoog News waxay idiin soo gudbineysaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee bishii January 2016 ka dhacay guud ahaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

January 3, 2016: Magaalada Caynaba waxaa lagu soo gabagabeeyay wadahadal u socday maamulka Somaliland iyo beello deggan Koofurta gobolka Sool, iyaga oo ka heshiiyay khilaaf horay u jiray.

Maamulka Somaliland ayaa wafdi wasiirro ah u soo diray gobolkaasi si loo dhammeeyo xiisad jirtay maalmihii ugu dambeysay oo Labada dhinac ah, iyaga oo si wada jir ah u soo saaray qodobo dhowr ah.

Wafdiga xukuumadda Siilaanyo waxaa hogaaminayay wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, waxaana ka mid ahaa wasiirada Madaxtooyada iyo dib u dejinta maamulkaasi.

Qodobada ay ku heshiiyeen ayaa kala ah:-

  • In la Illaaliyo Midnimada Somaliland
  • In Amniga gobolka iyo guud ahaan dalka la xoojiyo
  • In Arrimaha bulshada, sida caafimaadka, Waxbarashada ay xukuumaddu wax ka qabato gaar ahaan halka ay beesha degto
  • In laga wada shaqeeyo nabadeynta iyo walaaleynta beelaha deriska ah
  • Arrimo gaar ah oo beesha ka tabaneysay xukuumadda waa laga heshiiyay, waana la’isku garaabay.

January 6, 2015: Guddiga doorashooyinka Somaliland oo kaashanaya xisbiyada mucaaradka iyo maamulka iminka talada haya ayaa ku dhawaaqay xilliga sida rasmiga ah loo billaabi doono diiwaan gelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland.

C/qaadir Iimaan Warsame oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka loo billaabi doono diiwaangelinta iyo sida ay ku kala horeynayaan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu sheegay in ay billaabmi doonto 16-ka bishaan aynu ku jirno islamarkaana ay ka billaabmi doonto gobolka Togdheer.

January 6, 2016: Inta la xaqiijiyay Seddex caruur ah ayaa u geeriyootay qarax Bam oo ka dhacay deegaanka Balli Busle ee gobolka Sanaag.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in carruurtaan ay ku ciyaarayeen Bamkaan oo ay meel waddo ah kasoo qaadeen, hase ahaatee uu ku qarxay.

Guddoomiyaha deegaankaasi Burhaan Bootaan Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhacdooyinkaan ay noqdeen kuwo ku soo laab laabta deegaanka.

January 8, 2016: Kooxo aan heybtooda la garaneyn ayaa garaacay isla markaana dhaawac u geystay weriye ka shaqeynayey waqooyiga dalka.

Hussein Hassan Adde, oo ka shaqeeyay  Puntland TV, saldhigiisuna ahaa  Buuhoodle  ayaa halkaas si xun loogula dhaqmay.

January 12, 2016: Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhaliil u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli uu jeedinayay khudbaddiisii sanadlaha ahayd.

Siilaanyo ayaa sheegay inay ka war hayaan in madaxda dowladda Federaalka ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wadajirka Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay in dowladda Federaalka ay deegaanada Somaliland ka waddo qorshe uu sheegay inay ku carqaladeynayso diiwaangelinta iyo doorashooyin ka dhaca deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

January 14, 2016: Allaha u naxariistee, abwaan Cali Sugulle Cigaal oo caan ku ahaa (Dun-carbeed) oo labo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed.

Diyaaradii siday meydka abwaanka ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo aaskiisa ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweynaha maamulka Somaliland, siyaasiyiin, abwaano iyo qeybaha bulshada.

January 17, 2016: Ciidamada Qalabka Sida Somaliland, ayaa waxay xukun qisaas ah ay ku fuliyeen seddex qof, ka dib markii lagu helay inay dilal gaysteen. Dadka qisaasta lagu fuliyay waxaa ku jira hooyo iyo wiil ay dhashay. Xukunka toogashada, ayaa ka dhacay Xabsiga Mandheera oo ku yaala wadada xiriirisa Magaalooyinka Hargeysa iyo Barbera.

January 19, 2016: Shacab badan ayaa isugu soo baxay dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kuwaasi oo halkaa ka dhigay dibadbax ay ku diidan yihiin maamulka Somaliland.

Dibadbaxani ayey dadku ku muujinayeen sida ay ku diidan yihiin maamulka Somaliland iyaga oo ugu baaqay maamulkaasi in ay ka tagaan dhammaan deegaanada ay sheegeen shacabkaasi in xoogga lagu qabsaday.

Degmada Buuhoodle ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan kana dhan ah maamulka Somaliland, taasi oo ay wadaan ciidan halkaasi ku sugan oo la sheegayo inay taageersan yihiin Puntland iyo Khaatumo.

January 20, 2016: Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa laga billaabay howlgal ballaaran oo lagu musaafurinayo dadka Itoobiyaanka ah ee halkaasi ku nool.

Wareegto ka soo baxday Xukuumadda Siilaanyo ayaa lagu sheegay in guud ahaan deegaannada uu ka taliyo maamulka Somaliland laga musaafurinayo dadka u dhashay Itoobiya.

Dadkaan ayaa lagu qaadayaa gaadiidka xamuulka ah, waxaana la geynayaa waddanka ay u dhasheen maadaama uu dhammaaday waqtigii loo qabtay in ay deegaanadaasi isaga baxaan.