U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqalka Sare Oo Loo Gudbiyay Tabashooyinka Galmudug Ee Xukuumadda Muqdisho

Sheeko:Dalka

Guddoonka Gollaha Aqalka Sarre ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay warbixin ka timid hoggaanka u sarreeya dowlad goboleedka Galmudug.

Warbixintani oo loo soo dhiibey Guddi uu Gollaha Aqalka Senate-ka dhowaan u diray caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ku lifaaqan tabashooyinka ay dowladda Galmudug ka tirsanayso xukuumadda Muqdisho.

Guddiga loo direy Galmudug oo ka koobnaa xubno Senate-ka ka tirsan ayaa inta badan waxay kasoo jeeda degaannada Galmudug, waxayna ka dambeysay markii uu xumaadey xiriirkii dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) oo kamid ahaa xubnaha Guddiga, kaa soo saxaafadda uga warbixiyey safarkii ay ku gaareen Galmudug wuxuu tilmaamay in ay la soo shireen madaxweyne Axmed Ducaalle Xaaf iyo madax kale oo hoggaanka maamulka tirsan kuwaasoo Dhuusamareeb ku sugan.

Kulamada ay la yeesheen dhinacyadda kala duwan, kuwaasi oo ahaa is-xogwareysi ayuu cod dheer ku sheegay Senator Qeydiid inay salka ku hayeen sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka ka dhex taagan Galmudug iyo Xukuumadda federaalka.

Wafdigii aqalka odayaasha ee tegay Dhuusamareeb ayaa kulamo la soo qaatay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir kulamadaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiye xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamaanka Galmudug iyo masuuliyiin kale.

HOOS KA DHAGEYSO SEN. CABDI QEYBDIID:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada