Dhageyso: Aqoonyahan Sharci Darro Ku Tilmaamay Go’aankii Dowlad Goboleedyada Ka Qaateen DFS

Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubbad (Daqare) oo ku taqsusay maamulka iyo maareynta hay’adaha dowliga ah ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in dambi qaran ay tahay go’aankii ay ku dhowaaqeen madaxda dowlad goboleedyada oo ah iney hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Sharci ahaan ayuu sheegay in madaxdan ay muteysan karaan in laga gudbiyo dacwo islamarkaana xabsiga la dhigo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sidoo kale sheegay Daqare in dowlad goboleedyada tabashadooda qaar ay saxan tahay, balse ay waddo qaldan u mareen xallinta wixii ay ka cabanayeen.

Dowladda dhexe ayuu dhankeeda sheegay in waajib ka saaran yahay sixidda waxyaabaha ay tabanayaan maamullada.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW