U bood dhigaalka

Dhageyso: Aqoonyahanno Rajo Ka Muujiyey In Soomaaliya Ku Guuleysato Dawacadda Badda Ee Kala Dhaxeysa Kenya

Sheeko:Dalka

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladda Kenya looga adkaado dacwadda badda ee hadda taallo maxkamad ICJ.

C/xaliim Ibraahim oo bartay xiriirka caalamiga ah ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in sida hadda ay dedaalka u waddo dowladda federaalka Soomaaliya lagu heli karo guul aad u weyn, maadaama aanay Kenya caddeymo badan haysan.

Dhanka Soomaaliya ayuu sheegay in guul rasmi ah gaari doonto, islamarkaana Kenya hadda waxa ay rabto tahay in si hoose loo wadahadlo.

Professor Maxamed Axmed Maxamuud ayaa isna waxa uu qabaa in Soomaaliya ay tahay in ay sii waddo dacwaddan in Kenya laga guuleysanayo.

“Ma qabo in wadaxaajood wax lagu dhameeyo sida ay waddo dowladda Kenya, kaliya waa in dacwadda ay socotaa oo Soomaaliya guul ayeey ku dhowdahay, waxaan qabaa in howsha horay loo sii wado oo aan dib loo soo laaban” ayuu yiri Professor Maxamed.

Soomaaliya ayaa Isniintii ICJ u gudbisay jawaab laga sugayey oo la xiriirta xagga dacwadda badda, iyadoo Kenya iyana jawaab laga sugayo bisha December ee sanadkan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News