U bood dhigaalka

Dhageyso: B/weyne Oo Looga Diyaargaroobayo Munaasabadda 1-da Luulyo

Sheeko:Dalka

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa ka soconaya diyaargarowgii ugu dambeeyey ee munaasabadda Kowda Luulyo, maadaama ay tahay markii ay gumeystihii Talyaaniga ka xoroobeen gobollada Koonfureed ayna midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Shacabka B/weyne oo aan kala har lahayn ayaa doonaya in maalintaan ay si weyn u xusaan.

Qaar ka mid ah shacabka magaaladan ayaa u sheegay Goobjoog News in muhiim ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay maalmaha xorriyadda weyneeyaan, dhalllinyaradana la baro qiimaha maalmahan.

Guud ahaan dalka ayaa looga dabaaldegi doonaa munaasabadda Kowda Luulyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News