U bood dhigaalka

Dhageyso: Baaq Loo Diray Beello Ku Dagaallamay Deegaanno Kamid Ah Hiiraan

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay beello ku dagaallamay deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iney nabadda qaataan oo dagaallada ay joojiyaan.

Kadib kulan ay ku yeesheen waxgaradkan degmadaasi ayaa waxay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in dagaallada ay sii socdaan.

Nabadoon Xasan Cosobow Wehliye oo kamid ah waxgaradkan ayaa ugu baaqay beelahan dagaallamaya iney wax walbo  ku bedalaan wadahadal nabadeed.

Wuxuu sheegay in dagaallo sii socda aanay dan ugu jirin shacabka Labada dhinac, lana doonayo in la wadahadlo.

Beelahan ku dagaallamay deegaannada ka tirsan Hiiraan ayaa isku qabtay dhul daaqsin ah oo ku yaalla halkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News