U bood dhigaalka

Dhageyso: Bankiga Adduunka Oo Mashaariic Horumarineed Ka Fulinaya Puntland

Sheeko:Dalka

Bankiga Adduunka ayaa Puntland ka fulinaya mashruuc loogu magacdaray magaaleynta Puntland, kaasi oo lagu dhisayo waddooyin iyo Buundooyin.

Xiriiriyaha mashruuca magaaleynta Puntland ee Bankiga adduunka Asad C/raxmaan Guure ayaa sheegay in mashruucan uu marxalado kala duwan uu soo maray, yahayna midkii ugu horreeyay ee Bankiga Adduunka ka fuliyo Soomaaliya.

Guure ayaa sheegay in qorshahoodu ahaa iney dhisaan waddo 28-km ah iyo Labo Buundo, balse sanadkaan 2018 ay dhisi doonaan 4 waddo oo ka mid ah 19 waddo oo ay dhisayaan.

Xoghayaha dowladda hoose ee Garoowe Maxamuud Cali Gurey ayaa isna dhankiisa sheegay in waddooyinkaan ay waxbadan kusoo kordhin doonaan bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaaladaasi.

Waddooyinka hadda la dhisayo ayuu sheegay iney magaalada kusoo kordhin doonaan hormar aad u ballaaran.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News