U bood dhigaalka

Dhageyso: Beeraleyda Gedo Iyo J/dhexe Oo Sheegay In Khasaare Kasoo Gaaray Fatahaadda Wabiga Jubba

Sheeko:Dalka

Beeraleyda deegaano u dhaxeeya degooyinka Saakow iyo Baardheere ayaa sheegay in khasaaro xoogan ay kala kulmeen Fatahaada webiga Juba.

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaano u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Saakow ee Gobolada Gedo iyo Jubadda Dhexe in khasaaro xooggan ay ka soo gaartey dad ka badan ilaa Boqol qoys oo beeraley ah kuwaa oo nololshooda ay saameyn ku yeelatey Fatahaad maalmahii la soo dhaafey webiga Jubba uu ka geystay deegaano ka tirsan degmooyinkaasi.

Roob ka da’ay Goboladaasi ayaa sabab u noqday in uu Wabiga Fatahaad sameeyo, waxaana uu saameeyay dalagyo dhul beereed ah iyo Matooro loo isticmaalo Waraabka Beeraha ilaa iyo haddana waxaa la’ la yahay ku dhowaad ilaa 73 matoor, Inkastoo ilaa hada aanan la soo sheegin Khasaare nafeed oo ka dhashay fatahaadda Wabiga uu geystay, hadana Khasaaraha ugu badan waxaa lasoo sheegayaa in uu u geystay Dhulka Beeraha iyo Matooradii Waraabka loo isticmaalaayay.

Ismaaciil Amiin oo ka mid ah Beeraleyda Tuulada Barowdiinle oo u dhaxeysa degmooyinka Baardheere iyo Saakow ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in Fatahaada Wabiga uu geystay khaaare badan, welina ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu wabiga gaysto, isagoo intaasi ku daray qoysaskii beeraleyda ahaa ee deganaa Hareeraha Wabiga oo ay deganaayeen Qoysas gaaraya ilaa 130 qoys inay halkaasi ka barakaceen si uusan saameyn ugu yeelan Wabiga Jubba haddii mar kale uu fatahaad geysto.

Horay ayaa digniin looga bixiyay suurtagalnimada in Fatahaad ay gaystaan Wabiyada Soomaaliya, waxaana loogu baaqay dadka hareeraha ka degan Wabiga inay halkaasi ka fogaadaan si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan fatahaada Wabiga.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News