U bood dhigaalka

Dhageyso: Boqor Buur Madow Oo Ku Xanuunsanaya Xabsiga Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku xanuunsanayo bqoqo Cismaan Maxamed Buur Madow oo ku jira xabsi dhexe ee Hargeysa.

In kastoo aan la shaacin nooca uu xanuunka hayo yahay ayaa wararka waxay sheegayaan in aan loo qaadin wax dhaqtar ah.

Boqor Cabdi Axmed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in shaqsi nabadoon ah dhibaatadan la gaarsiiyo, loona ogolaan dhaqtar.

Waxa u Boqor Cabdi ugu baaqay Somaliland in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xorriyaddiisa dib ugu soo celiyaan nabadoonka.

Boqor Buurmadow waxaa xabsi Shan sano ah ku xukumay maxkamadda hargeysa kadib markii uu Puntland uga qeybgalay caleema saarka suldaan cusub.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News