U bood dhigaalka

Dhageyso: C/raxmaan Cirro Oo Dalbaday In La Maxkamadeeyo Siilaanyo, Uuna Is Casilo Biixi

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in madaxweyne hore Axmed Maxamed Siilaanyo uu qiyaano qaran galay, islaamarkaana dadka u sheegay inuu saxiixay heshiiskii Berbera oo aanu shaqo ku lahayn, ayna saxiixday dowladda federaalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu Cirro sheegay in ay waajib tahay in maxkamad lasoo taago Siilaanyo, laguna eedeeyo qiyaano qaran.

Sidoo kale, Cirro ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu isna xilkaan isaga tago, ama lagu qaado qiyaano qaran, isaga oo dalbaday in markii uu is casilo shacabka Somaliland Cafis weydiisto, kadibna la qabto doorasho madaxweyne.

“Siilaanyo wuxuu jabiyey Dastuurka, wuxuuna qiyaanay shacabka, wuxuu muteysanayaa in maxkamad la horkeeno oo lagu qaado qiyaano qaran, Muuse Biixi wuxuu qeyb ka ahaa shirqoolka iyo dhagarta uu Xisbiga Kulmiye u dhigay shacabka Somaliland….Madaxweyne Muuse waxaa u banana Labo arrin midkood, inuu is casilo dadkana saamaxaad weydiisto kuna dhowaaqo doorashooyin madaxweyne in la qabto, waxaa kale oo u banaan in lagu qaado qiyaano qaran” ayuu yiri Cirro.

Dhanka kale, C/raxmaan Cirro ayaa ku celceliyey in Xisbiga Kulmiye uu god ay adag tahay in laga soo baxo ku riddey Somaliland.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka guddoomiye Cirro.

Goobjoog News