U bood dhigaalka

Dhageyso: Cali Khaliif Oo Reer Khaatumo Kala Hadlay Dagaallada Soo Noqnoqday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaallada kusoo noqnoday deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo, gaar ahaan degmada Buuhoodle.

Waxa uu sheegay in hubkan ay isku dilayaan reer Khaatumo loo baaahnaaa in lagu difaaco deegaanka, balse dad dano kale leh ay ka faa’ideysanayaan isku dirka dadka wada dhashay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa Cali Khaliif Sheegay in dhibaatooyinka dagaallada looga bixi karo oo kaliya dadka oo midooba, islamarkaana sameysta maamul loo dhan yahay.

Sidoo kale Madaxweyne Galeyr ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Buuhoodle iney nabadda qaataan, bedalkii ay dagaallada sii wadi lahaayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News