U bood dhigaalka

Dhageyso: Ciidanka DFS Oo Howlgallo Ka Sameeyey Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay howlgallo amniga lagu xaqiijinayey ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Raagaceelle ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Howlgalkaan waxaa hor kacayey guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Meyre Makaraan, waxaana uu yimid kadib markii ay dagaalyahannada Al-shabaab tageen deegaanka Warciise ee gobolkaasi, una sheegeen dadka deegaanka in ay halkaasi fariisimo ka sameysan doonaan.

Guddoomiye Meyre ayaa sheegay in ulajeedka howlgalkaan ahaa sidii ay uga hortagi lahaayeen in Al-shabaab ay deegaanno cusub ka sameystaan fariisin.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in ay ku guuleysteen howlgalladan, ay ka hortagen in Al-shabaab degaan deegaanno cusub.

Halkaan hoose ka dhageyso warka:

Goobjoog News