U bood dhigaalka

DHAGEYSO: Cosoble Oo Sheegay Inuu Weli Yahay Madaxweynaha Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Cali Cabdullaahi Cosoble, madaxweynihii Hirshabelle ee shalay xilka ay ka qaadeen xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi ayaa sheegay in weli si sharci ah uu ku joogo xafiiska.

Wuxuu sheegay in sharci darro ay tahay nidaamka ay xildhibaannada usoo mareen in isaga ay xilka ka qaadaan.

“Mooshinka la  keenay iyo waxa la yiri go’aan waaye oo waa lagu dhowaaqay intaba waa baadil, waana waxbo kama jiraan waaye, waxa la jabiyey waa Dastuurka. Awalan qof kaligii ah dowladda go’aaan saameynaya baarlamaan inta horfadhiisto xildhibaanno ma dhihi karo go’aan ayaan ridayaa, midda kale waxay tahay xeer iyo nidaam ayaa inoo qoran dowlad goboleed ahaan, Dastuur KMG ah ayaan leenahay, waxa ku cadna waxay tahay Dastuurka ayeey ku qoran tahay marka mooshin laga keenayo” ayuu yiri Cosoble.

Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar, waxaana guud ahaan magaaladaasi laga dareemayaa siyaasadaha is diidan oo maamulka Hirshabelle ah.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News