U bood dhigaalka

Dhageyso: Dagaalkii Tukaraq Oo Xoogeystay Iyo Labada Dhinac Oo Isku Adeegsanaya Madaafiic Culus

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyey ee Goobjoog News, ka heleyso dagaalka ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay aad uga sii dartay, iyadoo dagaalkana uu xooggeystay.

Goob jooge ku dhow tukaraq ayaa Goobjoog News u sheegay in Madaafiic xooggan ay isku adeegsanayaan Labada dhinac, islamarkaana hadda ay isla aadeen dhanka buuraha ee deegaankaasi ku dhow.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dhinacyada is haya, balse weli tiro rasmi ah lama hayo.

Ciidamo gurmad u ah kuwa Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalka ku biiray, waana midda keentay in dagaalka uu xooggeysto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News