U bood dhigaalka

Dhageyso: DFS Oo Laga Dalbaday Bixinta Lacagihii Ugu Talagashay Fatahaaddii Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbaday iney soo gaarsiiyaan shacabka gobolkaasi oo waxyeellada kasoo gaartay fatahaaddii Wabiga Shabelle.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolkaasi Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in lacagtii dowladda ugu deeqday Hiiraan ay soo gaartay oo kaliya lacag ku dhow 400 kun oo doolarka Maraykan ah.

Wuxuu sheegay in weli baahiyo badan ay jiraan, ayna dowladda ka doonayaan in lacagahaasi soo gaarsiiyaan maamulkooda si shacabka wax loogu qabto.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay dadkii ka barakacay B/weyne ay dib usoo laabteen, balse u baahan yihiin in wax loo qabto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News