U bood dhigaalka

Dhageyso: Dhallinyaro Gurmad U Sameysay Dadka Ka Barakacay Fatahaadda B/weyn

Sheeko:Dalka

Waxaa aad isku sii tarayo gurmadyada kala duwan ee loo fidinayo dadkii ka barakacay Fatahaadda Wabiga Shabelle, kuwaasi oo ku sugan duleedka Magaalada B/weyn ee gobolka Hiiraan.

Marka laga yimaado gurmadyada ay sameeyeen Maamulka gobolka iyo hay’adaha sama falka waxaa dhanka kale gurmad sameeyay dhallinyarada gobolka Hiiraan kuwaasi oo si bilaash ah deeq raashin ah ugu qeybiyey dadka ku nool deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka B/weyn.

Howsha deeq-qeybinta markii ay soo gabo-gabowday waxaa Goobjoog News la hadlay Maxamed Buraale oo ka mid ah dhallinyarada Sameyneysay gurmadka waxaa uuna yiri.

“Waxaan qeybinnay raashin bur iyo Saliid waxaana u qaybinnay ku dhowaad 140 qoys oo ka barakacay Fatahaadda Wabiga, raashinka waxaan sameynay dadkii oo badan waxan iskugu xirnay shan shan qoys si aan u fududeynno shaqada”.

Dadka ka barakacay Fatahaadda Wabiga Shabelle ayaa ku sugan duleedka B/weyn gaar ahaan deegaanka Ceel-jaalle halkaasi oo ay ku heysato xaalado bani’aadannimo.

 

Goobjoog News