Dhageyso: Dowladda Oo Lagu Eedeeyay Iney Ku Howlan Tahay Burburinta Maamulka Galmudug

Siyaasi ka soo jeeda Galmudug ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay ku howlan tahay sidii ay ku burburn lahayd maamulkaasi.
Axmed Shire Falagle oo horay u soo noqday wasiir ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in dowladdu ay dhaqaale iyo ciidanba ku bixinayso sidii loo burburin lahaa Galmudug.
Madaxtooyada ayuu ku dhaliilay inay gacan ka geysanayso arrimaha Cadaado ka taagan.
Waxa uu sheegay siyaasigan in la yaab ay noqotay markii dowladda Federaalka ay magaalada Cadaado ku ilaalineyso shaqsi ay la doonayaan in uu xilkaasi qabto waa sida uu hadalka u dhigaye.
Falagle, ayaa sheegay in isqabqabsi ka dhex jira Galmudug uusan jirin oo howsha laga wado madaxtooyada qaranka ee magaaladan Muqdisho.
Halkaan hoose ka dhageyso:
Goobjoog News
Tfolgd qaabrp Order viagra us canadian pharmacy cialis 20mg
Pwszyh vfdnmc cheap viagra generic generic cialis