U bood dhigaalka

Dhageyso: Faysal Cali Waraabe Oo Goobjoog News Uga Warbixiyey Wixii Ay Ka Wadahadleen Isaga Iyo Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Siyaasi Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa ka warbixiyay kulan uu dhowaan Belgium-ka kula qaatay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

Waraabe oo wareysi siiyey Goobjoog News sheegay in arrimo badan ay ka wadahadleen, sida dagaallada Tukaraq in aan la siyaasadeen deeqaha ka yimaada dalalka caalamka iyo arrimo kale.

Sidoo kale, Faysal ayaa sheegay in waxyaabaha ay ka wadahadleen madaxweyne Farmaajo ay qeyb ka tahay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in is faham wanaagsan uu kusoo dhammaaday kulankoodii ay la yeesheen madaxweynaha.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News