U bood dhigaalka

Dhageyso: Gaas Oo Dhaliilay Xubnaha Puntland Ku Matala Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaliilay xubnaha maamulkaasi ku matala golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aanay jirin wax ay soo kordhiyeen Xildhibaannadan, islamarkaana markii la dooranayey xubnahay ay juhdi badan geliyeen.

Waxa uu si gaar ah usoo hadal qaaday C/raxmaan Farooleiyo sidoo kale Cumar Crashiid, isaga oo sheegay in Senetarada kasoo jeeda Puntland qaarkood ay diideen xitaa in la maalgeliyo Puntland.

Afar Sano ka dib ayuu sheegay iney sheegi doonaan waxa ay sameeyeen, marka ay kuraas u raadsadaan Garoowe.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News