U bood dhigaalka

Dhageyso: Garoowe Oo Laga Sameeyay Howlgallo Dhul Burburin Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Hoose oo magaalada Garoowe ayaa maanta oo Axad ah waxay howlgallo dhul banneyn ah ka sameeyeen magaaladaasi.

Howlgalkaan burburinta ah ayaa si gaar ah waxaa looga sameeyey Togga Laan Cali Kamiin oo ay degeen dad shacab ah.

Maxamuud Cali Gurey, xoghaya dowladda hoose ee magaalada Garoowe ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkoodaan yahay sidii dadka degay Toggan looga saari lahaa, islamarkaana ay naftooda halkaasi ka badbaadinayaan.

Waxa uu tilmaamay in Togga ay biyo badan galaan, islamarkaana haddii aan wax laga qaban ay xaaladda dadkan halis badan geli karto.

Dhanka kale, xoghaye Maxamuud ayaa sheegay in sidoo kale maalmaha soo aadan ay magaaladaasi ka bilaabi doonaan olole nadaafadeed iyo sidoo kale mid waddooyinka xiran ee magaaladaasi lagu furayo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News