Dhageyso: Gollaha Iskaashiga Maamullada Dalka Oo Isla Bidhaamiyay Boogaha U Baahan In La Saxo

Maalintii Labaad waxaa magaalada Kismaayo ka socda shirka golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka, Shirkan waxaa shir gudoominaya guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ajandaha Shirka ayaa looga doodayaa Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada, waxa ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horay u wada galeen Villa Somalia, sidii looga wada shaqeyn lahaa Arrimaha guud ee Ammaanka dalka, doorashooyinka dowlad goboleedyada kale ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ka dhacaya.

Muhiimada Khubadaha Madaxda Dowlad Goboleedyada, marka si guud loo eego sidii aan horay idiin kugu soo baahinnayba waxa ay suntanaayeen eedo culus oo ay u soo jeedinayaan madaxtooyada Soomaaliya.

Goobjoog News oo koobtay khudbadaha madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa idiin soo gudbinaysa Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka oo isla bidhaamiyey boogaha u baahan in la daweeyo.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Related Articles

One Comment

  1. Manuel Pellegrini believes it is inevitable that Manchester City will win the Champions League but warns that his club must compete for club football’s biggest prize on an annual basis. Manchester City will win the Champions League – it’s inevitable it will happen one day, says Manuel Pellegrini

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW