U bood dhigaalka

Dhageyso: Guddoomiyaha Hiiraan Oo u Digey Dad Uu Sheegay Iney Hurinayaan Dagaal Beeleedyada

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa u digey dad uu sheegay in ay huriyaan dagaal beeleedyada ka jira deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in tallaab adag ay ka qaadi doonaan cid walbo oo isku dayday iney isku dirto beelaha wada deggan gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkooda uu wado dedaallo badan oo lagu xallinayo colaadaha, islamarkaana ay wadaa dib u heshiisiin.

Shacabka gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay in dhankooda ay is cafiyaan, nabadda qaataan, eegaanna gobollada kale ee dalka kuwooda xasiloon iyo horumarada ka jira.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News