Dhageyso: Guddoomiye Cismaan Barre “Cidna Naguma Qasbin Xil Ka Qaadistii Cosoble”

Cismaan Barre Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa isaga oo la hadlay shacabka ku dhaqan Jowhar waxa uu sheegay inaanu jirin cid ku qasabtay in xilka ay ka qaadaan Cosoble.

Waxa uu beeniyey warar uu baahiyey Cosoble, kaasi oo ahaa in xildhibaannada isaga xilka ka qaaday loo hanjabay, balse guddoomiye Cismaan ayaa tilmaamaya in baarlamaanka uu go’aankaasi qaatay.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in shaqsi ahaan aanu jirin cid handadaad uga timid, islamarkaana Hirshabelle ay dooneyso hoggaan cadaalad ah, sidoo kalena shaqo badan.

Guddoomiye Barre ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Hirshabelle in ammarada ay ka qaataan sii haya xilka madaxweynaha Cali Guudlaawe inta la dooranayo madaxweyne cusub.

Cali Cabdullaahi Cosoble, madaxweynihii  hore ee Hirshabelle ayaa weli sheegaya inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

 Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW