Dhageyso: Haweenka Puntland Oo Ka Hadlay Qoondadooda Baarlamaanka 2019

Kuraasta matalaadda ayaa haweenku aad u doonayaan xilligani, iyadoo isimada lagu eedeeyo in inta badan haweenka ay ka tagaan.

Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland Maama Khadra Warsame Jaamac ayaa telfoonka kula hadalnay oo aan weydiiyay dadaallo muddooyinkii dambe ay ka haween ahaan wadeen, oo ku aaddan helista kuraasta matalaadda.

Haweenka Puntland ayaa suxul duub ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen kuraas ka mid ah gollaha wakiillada oo iminka ay soconayso soo xulista xildhibaannada cusub.

Guddoomiye Khadra Jaamac ayaa sheegtay in ay meel fiican u marayso howsha ay ku doonayaan in ay uga mid noqdaan tiro haween ah baarlamaanka cusub ee soo socda ee shanta sano waqtigiisu tahay.

Waxay sheegtay in isimada iyo nabadoonnada soo xulaya xildhibaannada ay la kulmeen oo ay arrinta ah in qoondadooda ay helaan ay kala hadleen.

HOOS KA DHAGEYSO:

 

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW