U bood dhigaalka

Dhageyso: Hay’adaha Samafalka Oo Loogu Baaqay Iney u Gurmadaan Dadkii Ka Baracay Fatahaadda Wabiga Shabelle Ee B/weyne

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdi Axmed Cali oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in xaalad adag ay wajihi karaan dadka ka baracakay fatahaadda Wabiga Shabelle ee B/weyne.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in hay’adaha Samofalka ah laga doonayo iney u gurmadaan dadka barakacay ka hor inta aanay xaalad adag imaan.

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha Samofalka ah in si degdeg ah ugu gurmadaan dadkii ka barakacay Fatahaadda Wabiga ee B/weyne inta aanay dhibaato la kulmin, sidoo kale maamulka iyo dhallinyarada waxaan ugu baaqayaa iney kaalintooda qaataan” ayuu yiri xildhibaanka

Dad badan ayaa ka barakacayu fatahaad uu Wabiga Shabelle ka sameeyey magaalada B/weyne, kuwaasi oo aaday dhanka deegaanka Ceel-jaalle ee isla gobolka Hiiraan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News