U bood dhigaalka

Dhageyso: Hay’adda Xuquuqul Insaanka Somaliland Oo Walaac Ka Muujisay Xukunno Lagu Ridey Shaqsiyaad Caan Ah

Sheeko:Dalka

Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xukunno Somaliland ay ku riday shaqsiyaad caan ka ah bulshada.

Garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dadka loo xirxiray aragtidooda ay tahay dambi laga galayo xoriyadda qofku leeyahay arrintaasna ay ku caddahay dastuurka Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in xukunnada lagu riday bishaan dabayaaqada maraysa boqorka, gabar u dhaqdhaqaaqda arrimaha beni’aadannimada iyo nin kale oo facebookga ku qoray Madaxweyne Muuse Biixi waa Local in ay kiisas ay aad uga walaacsan yihiin.

Sidoo kale, Mubaarik ayaa sheegay in loo baahan yahay dhowrista xorriyadda hadalka iyo xuquuqda shaqsiga.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News