U bood dhigaalka

Dhageyso: Horumar Dhanka Adeegyada Bulshada Oo Ka Socda Degmada Hobyo

Sheeko:Dalka

Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa haatan waxaa ka socdo horumaro badan oo dhanka bulshada ah, iyadoo ay jiraan maalgashi ay bilaabeen qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed.

Maxamuud Maxamed Cawaale, guddoomiye ku xigeenka degmada Hobyo ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in dib u dhis ballaaran uu ka soconayo degmadaasi.

Hay’adaha samofalka iyo kuwo kale ee dalka ka shaqeeya ayuu sheegay in ay kusoo dhiiradeen iney yimaadaan degmadaasi si ay u kormeeraan goobihii ay degi lahaayeen.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in qurbejoogta ay hadda bilaabeen iney guryo iyo xarumo ganacsi ka hirgeliyaan degmadaasi.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka oo ka hadlay dhanka ammaanka ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay ku sugan yihiin islamarkaana habeen iyo maalin ay amniga sugaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News