U bood dhigaalka

Dhageyso: K/galbeed Oo Ku Eedeysay Dowladda Dhexe Isku Dirka Xildhibaannada Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iney waddo qorshe ay isugu direyso xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi.

Wasiirka Dastuurka ee maamulkaasi, C/laahi Sheekh Xasan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney jiraan xildhibaanno ka tirsan K/galbeed oo Villa Soomaaliya kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, lana qorsheynayo in la rido maamulkooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in ay ogyihiin in dowladda ay qarashaad ku bixineyso burburinta maamullo dhisan, wuxuuna ku baaqay in qarashaadkaasi lala aado dhanka amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

“Dowladda intey iska deyso lacagaha ay dooneyso iney ku dumiso maamullada dhisan hala aaddo amniga iyo abaaraha” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, Wasiir C/laahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in xildhibaannada K/galbeed ee doonaya iney dumiyaan maamulkooda la qorsheeyay in lagu shiriyo degmada Afgooye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News