U bood dhigaalka

Dhageyso M/weyne Xaaf “Shirkii Kismaayo Waa Mid Danaha Dalka Aynu Kaga Hadalnay”

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hoggaminayo Axmed Ducaalle Xaaf oo kaqeyb galay shirkii ku soo idlaaday magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle(Xaaf) waxaa Dhuusamareen ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo xukuumaddiisa ah.

Wuxuu ka hadlay madaxweynuhu shirkii Kismaayo, wuxuuna sheegay in shirkaasi uusan ahayn mid wax loogu dhibayo qaranimada Soomaaliyeed hayeeshee uu ahaa mid marxaladaha dalka looga arrinsanayo iyo wixii qaldan lagu hagaajinayo.

HAKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada