Dhageyso: Maamulka Hiiraan Oo Lagu Wareejiyey Maxaabiis Laga Soo Daayey Puntland

Maamul goboleedka Hirshabelle ayaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxay kusoo bandhigeen Afar Maxaabiis ah oo laga soo daayey xabsiyo ku yaalla Puntland, kuwaa oo xirnaa in ka badan 10 Bil.

Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa waxay maxaabiistan ku wareejiyeen maamulka gobolka Hiiraan, waxgarad iyo gaadiidleyda gobolka.

Agaasimaha wasaaraddan Maxamed Diirow ayaa sheegay in Puntland uga mahadcelinayaan sida wanaagsan ee ay u aqbaleen dalabkooda ah in loo soo daayo maxaabiistan oo aan dambi lahayn, isaga oo tilmaamay iney yihiin xor, islamarkaana aanu jirin xabsi kale oo u dhimman.

Guddoomiyaha Hiiraan, C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa isna dhankiisa u mahadceliyey maamullada Puntland iyo Hirshabelle, isaga oo sheegay in tani ay tahay bog cusub oo u furmay Labada maamul.

Maxaabiistan ayaa sanadkii 2017 lagu xiray Puntland, kadib gaari ay wadeen laga helay kartoomo ay ku jiraan walxaha qarxa, iyadoo maamulkaasina ku xukumay xukun xabsi daa’in ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW