Dhageyso: Maamulka Hiiraan Oo Wax Ka Qabanaya Burburka Waddooyinka B/weyne

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wax ka qaban doonaan burburka waddooyinka magaalada B/weyne, kadib roobab xooggan oo ka da’ay magaaladaasi.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News, iney wadaan dedaal badan oo ku aadan wax ka qabashada waddoyinkan burbursan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ay dib u habeyn ku sameyn doonaan meelaha ay biyaha kasoo galaan garoonka diyaaradaha magaalada B/weyne.

B/weyne ayaa waddooyinka qaar waxay yihiin kuwo burbursan, iyadoo taasi ay dhibaato ku noqotay gaadiidkii marayey.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

9 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW