U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Iyo Shacabka Hiiraan Oo Si Kulul Uga Hadlay Qaraxii Zoobe

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan iyo shacabka gobolkaasi ayaa si kulul waxay uga hadleen qaraxii 14-kii bishan lagu laayay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxay ku sheegeen in falkii ka dhacay Zoobe uu ahaa xasuuq loo geystay shacabka Soomaaliyeed ayna ka damqadeen wixii dhacay.

Dadkan ayaa aad ugu amaanay dowladda walaalaha nahay ee Turkiga, kuwaasi oo garab istaag u muujiyey shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay qaraxii Zoobe.

Waxgaradkii hadalka ka jeediyey kulankaasi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iney gacmaha is qabsadaan oo ay u istaagaan la dagaalanka Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News