U bood dhigaalka

DHAGEYSO: Maamulka Leego Oo Ka Walwalsan Amniga Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa walwal ka muujiyey amniga degmadaasi, oo Jimcihii lasoo dhaafay ay isaga baxeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Guddoomiyaha deegaankaasi Abukar C/laahi Isaaq oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in degmadaasi haatan aanay ku sugneen cid dowladda ama AMISOM ah, iyaguna maamulkooda aysan hadda ku sugneyn deegaankaasi.

Wuxuu sheegay in AMISOM ay kusoo wargeliyeen in deegaankaasi isaga baxayaan, iyaguna maamulkooda iyo ciidankooda ay halkaasi isaga soo baxeen, maadaama aanay ku filneen sugista amnigooda.

“AMISOM waxay ii soo sheegeen iney degmada ka baxayaan, waxa ay ku baxayaanna lama ogola in la sheego…annagana markii aan doonnay ayaan kasoo baxnay…degmadana cidna ma joogto hadda, amniguna waad dareemi kartaa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM faarujiyeen deegaanka Leego waxaa durba halkaasi la wareegay Xarakada Al-shabaab oo hadda maamuleysa.

Warar ay shaaciyeen mas’uuliyiin K/galbeed ah waxay sheegeen in deegaankaasi ay ku wajahan yihiin ciidamo ka socda maamulkaasi iyo kuwo Itoobiyaan ah.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News