Dhageyso: Maamulka Marka Oo Ka Warbixiyey Amniga Degmadaasi

Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyey xaaladda amni ee degmadaasi.

Guddoomiyaha Marka Xasan Cumar oo nagu soo booqday xarunta dhexe ee Goobjoog ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dedaal badan bixiyeen, balse aanay jirin ciidan kale oo dowladda, gaar ahaan Booliiska oo halkaasi ku sugan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in amniga Marka ay gacan ka siiyaan ciidamada AMISOM, balse meelaha qaar ay Al-shabaab soo galaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamadii ay dowladda geysay magaalada Marka ayuu sheegay in badi ay isaga baxeen magaaladaasi oo ay soo aadeen dhanka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Xasan ayaa sheegay in DFS ay ka sugayaan in amniga Marka ay dib gacanta ugu soo celiyaan, islamarkaana ay ciidamo geeyaan magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW