U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamulka Xudur Oo Sheegay Iney Dileen Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in guullo ay ka gaareen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka sameeyeen degmadaasi iyo deegaanno kale oo ku dhow.

Guddoomiyaha degmadaasi Maxamed Macalin Axmed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen deegaan duleedka ka ah degmada Xudur, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda, balse ma aanu sheegin tirada dagaalyahannada ay dileen.

Waxa uu tilmaamay in amniga degmada Xudur uu xilligaan yahay mid hagaagsan, islamarkaana la isku haleyn karo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale guddoomiyaha Xudur ayaa sheegay in ciidamada amniga ay mar walbo u taagan yihiin sugista amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News