U bood dhigaalka

Dhageyso: Maamullada Cadaado Iyo Buuhoodle Oo Iska Kaashanaya Dhanka Horumarinta Degmooyinka

Sheeko:Dalka

Maamullada degmooyinka Cadaado iyo Buuhoodle ayaa sheegay iney iska kaashan doonaan ka shaqeynta amniga iyo sidoo kale dhanka horumarka.

Guddoomiyaha Buuhoodle Saleebaan Aadan Cilmi oo maalmahan dambe ku sugan degmada Cadaado ayaa kulamo la qaatay maamulka degmadan oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

C/raxmaan C/laahi Tootoole ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan guddoomiyahan cusub, islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa Labadan degmo.

Dhanka kale, guddoomiye Saleebaan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa maamulka Cadaado uga mahadceliyey sida loo soo dhoweeyay, wuxuuna sheegay in maamulka degmadan kala shaqeyn doonaan arrimo badan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News