U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxda Galmudug Oo Loogu Baaqay In Khilaafkooda Degdeg Ku Xalliyaan

Sheeko:Dalka

Mid ka mida siyaasiyiinta Galmudug ayaa sheegay inaan loo dul qaada karin sii jiritaanka qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug.

Daahir Shidane Cabdi ayaa sheegay in mudada uu jiray is jiid jiidka siyaasadeed ee ka dhaxeeya hogaanka galmudug laga dareemay deegaanada maamulka dadkuna aysan ku niyad sameyn in uu sii jiro.

Dhinacyada siyaasadda isku haya ee maamulka galmudug ayuu ugu baaqay inay sharciga u yaal ku kala baxaan oo aysan deegaanka dhaxalsiin dib u dhac kale isagoo sheegay inay dadka maamulkaani uu kulmiyo ay dhibaatooyin kasoo daaleen.

Shidane ayaa sheegay in hal arrin oo kaliya looga bixi karo khilaafyada jira oo ah in si sharci ah loo wajaho waxa jira, baarlamaankana uu xalliyo wax walbo maadaama ay iyaga horey usoo doorteen madaxdaan.

Ugu dambeyn siyaasi Daahir ayaa ugu baaqay madaxda Galmudug ineysan shacabka niyad jabin oo wax walbo ay xalliyaan iyadoo laga fogaanayo in awood la isku sheegto ama wax lamid ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada