U bood dhigaalka

Dhageyso: Madaxda Sare Ee Puntland Oo Lagu Eedeeyey Boobka Hantida Dadweynaha

Sheeko:Dalka

Golaha degaanka waqooyiga magaalada gaalkacyo ayaa ku eedeeyay madaxada ugu sareeysa Puntland in ay boobayaan hantida dowladdii dhexe Soomaaliya oo ay ka mid tahay Xeradii siinaay ee ciidanka xoogga dalka.

Xildhibaan Ibraahin Jabriil Ciise oo kamid ah golaha degaanka waqooyiga gaalkacyo ee puntland ayaa sheegay in dhulkaas lagu wado iib iyadoo cidba meel ay jaratay, waxa uu sheegay in hantida maguurtada ah ee dowladdii dhxe aysan sax aheyn in shaqsiyaad ay iibsadaan.

Waxa uu tilmaamay in sidoo kale iibka xeradan ay kaalin ka geysanayaan waxgarad iyo ganacsato Puntland ah.

Madaxda Puntland ayuu sheegay iney wax kala socdaan arrintan, islamarkaana ay si gaar ah ugu eedeynayaan madaxweyne Gaas uu dhulkaasi bixiyey.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News